Maxya Ahayd Sababtii Kulankii Man United Vs CSKA Moscow Loo Shidi Waayay Heesta Champions League

Tartanka champions leageu ayaa tartamada yurub ee kale uga duwan heesta la qaado ka hor inta aan la bilaabin kulan kasta oo champions league.

Heestaas ayaa noqotay mid aan la iloobi karin iyada oo qasab ah in kulan kasta la shido intaanay ciyaartu bilaabim taas oo caado noqotay.

Xitaa Cristiano Ronaldo ayaa la arkay isaga oo la qaadayay heesta Champions leaue ka hor ciyaartu intii ayna bilaabmin.

Laakiin xiddigaha Ma United ayaa doonayay in ay salaasadii sameeyaa sidii xiddiga Real iyaga oo doonayay in ay la qaadaan heesta laakiin nasiib xumo lama shidin heesta champions leageu.

Laakiin Muuqaal baahiyaha BT Sport ayaa isla markiiba ogaaday sababta looga shid waayay Heesta Champions league kulankii Man United.

Des Kelly oo u shaqeeya BT Sport ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Kadib markii la sameeyay baaritaan badan waxa si Rasmi ah loo ogaaday in meeshii laga sidyay heesta ee CD-ga ahayd ay istaagtay taas oo keentay in maamulku iska daayaan heesta.

Comments

comments

Leave a Reply