Maxa Dhacay Markii Uu Jamie Carragher Philippe Coutinho U Sheegay In Aanu Ku Biiri Doonin Barcelona Iyada Oo Lagu Jiro Waraysi?

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa Philippe Coutinho u sheegay in aanu ku biiray kooxda Liverpool kadib markii telefoonkiisu ka soo dhex galay waraysi uu ka qaadayay xiddiga Liverpool ee Philippe coutinho kadib kulankii ay 7/0 uga badiyeen kooxda Spartak Moscow kulan ka tirsanaa champions leageu.

Jamie Carragher ayaa la tagnaa weeraryahankii hore ee xulka Norway ee Jan Aage Fjortoft kadib kulankii ay Liverpool 7/0 uga badisay kooxda Spartak Moscow.

Coutinho ayaa Carragher iyo Fjortoft kula soo biiray goobta waraysiyada lagu qaato kadib markii uu kooxdiisa u dhaliyay 3 gool kana caawiyay in ay u gudubto wareega 16-ka.

Laakiin waraysiga ayuu ka dhex galay telefoonka Carragher kaas oo soo dhacay isla markii uu Fjortoft doonayay in uu su,aal waydiiyo Carragher.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa si deg-deg ah gacanta jeebkiisa u galiyay isaga oo bakhtiiyay telefoonkii ku soo dhacay si uu u sii wado waraysiga.

Jan Aage Fjortoft oo kaftamaya ayaa Carragher ku yiri” malaha waa Barcelona”waxana ay bilaabeen in ay qoslaan.

Laakiin Carragher ayaa si deg-deg ah uga jawaab celiyay isaga oo waliba si kalsooni leh u yiri”maya wuu joogayaa” taas oo keentay in ay mar kale saddexdooduba qoslaan.

Barcelona ayaa si weyn u doonaysay saxiixa xiddiga reer Brazil waxana ay u arkeen badalka ugu haboon ee Neymar oo ku biiray kooxda PSG.

Waxa ay dalabyo badabn ka soo gudbisay adeegiisa laakiin Liverpool ayaa si joogto ah u sheegaysay in aanu xiddigan iib ahayn.

Comments

comments

Leave a Reply