MAQAAL: Barcelona , Bayern Munich & Manchester City Iyo Kooxaha Uu Soo Maray Macalin Guardiola (Rikoorkooda Guuldaro La’aanta Oo Faahfaahsan..)

Todobaadkaan Guardiola ayaa qabsaday baraha bulshada kadib markii uu guul muhiim ah gaaray kulanka Manchester Derby sababtoo ah waxaa uu sii waday guulaha uu gaarayo Macalinkaan.

Waxaa uu sidoo kale sameeyey Macalinkaan rikoor fiican oo ah inuu saameeyn xoogan ka sameeyey dhamaan kooxaha uu soo maray , waxaase loo arkaa inuu yahay mid kamid ah macalimiinta ugu waxqabadka fiican kubadda cagta.

Barcelona , Bayern Munich ayuu soo maray ka hor kooxda Manchester City , waxaana kooxda Manchester City sanadkaan ay sameeysey rikoor aan caadi ahayn maadaama ay badiyeen 15 kulan oo xiriir ah Primer League.

Kulankii ugu dambeeyey ee kooxda Manchester City waxay ku badisay 4-0 , waxaana ay taas ka dhigtay rikoorka ay ka gaareen Primer League.

Yaa Joojinkara Kooxda Manchester City?

Kooxda Tottenham waa kooxda keliya ee laga sugayo inay joojiso kooxda Manchester City , maxaa yeelay Macalin Guardiola rikooradda ugu badan , maxaa yeelay waxaa dhacday in sanadkii 2011 laga joojiyey rikoorkiisa dheeraa ee kooxda Barcelona.

Sidoo kale Real Madrid ayaa sameeysey rikoor dheer oo dhanka guulaha xiriirka ah waxayna gaareen 19 guul oo xiriir ah.

Barcelona , Bayern Munihc & City … Yaa Goolal Badan Xilliga Uu Guardiola Maamulay?

Rikoorkaan waxaa loo fiirindoonaa dhanka  iyo guudaro la’aanta, waxaana rikoorkaan laga fiirinayaa dhanka iyo goolasha.

Manchester City : Waxay dhalisay 49 gool.

Barcelona Waxay Dhalisay 60 Gool

Bayern Munich Waxay Dhalisay 64 Goool

Ciyaartooyda Yaa Ugu Goolal Badan?

Xilliga Barcelona .. Messi ayaa dhaliyey  21 gool.

Xilliga Bayern Munich Mario Mandzukic ayaa dhaliyey  13 gool.

Xilliga Manchester City : Aguero ayaa dhaliyey 10 gool.

Guulaha Ugu Waa Weyn Ee Uu Gaaray Xilliga Guuldaro La’aanta.

Manchester City 6-0 Watford, Manchester 7-2 Stoke City.

Barcelona 8-0 Almeria, Barcelona 5-0 Real Madrid

Bayern Munich 7-0 Wnder Bremen.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply