Man United Vs Man City: Jose Mourinho & Pep Guardiola Oo Magacaabay Liiska Xiddigaha Ay Isaga Hor Iman Doonaan Manchester Derby

Tababaraha Man United ee Jose Mourinho ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi Kooxda Man City kulan ka tirsan todobaadka 16-aad ee horyaalka Premier leageu.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa kulanka ku seegi doona 3 kulan oo ganaax ah kadib markii uu kaarka cas ee tooska ah qaatay kulankii Arsenal.

Pogba ayaa ku biiray xiddigaha Michael Carrick Iyo Eric Bailly kwaas oo seegi doona kulanka iyaga oo ku seegi doona dhaawacyo kala duwan.

Xiddigaha Zlatan Ibrahimovic, Phil Jones Iyo Nemanja Matic ayaa taam u ah kulanka halka xiddiga khadka dhexe ee Marouane Fellaini la tijaabin doono ka ciyaarta.

Halkan Hoose Kaga Bogo liiska uu Mourinho u soo xushay kulanka:

De Gea, Romero, Pereira, Valencia, Darmian, Tuanzebe, Young, Shaw, Blind, Rojo, Smalling, Lindelof, Jones, Matic, Herrera, McTominay, Fellaini, Lingard, Mata, Mkhitaryan, Martial, Rashford, Lukaku, Ibrahimovic


Dhanka kale tababare Guardiola ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doona Man United xilli xiddiga khadka dhexe ee David Silva uu taam u noqday kulanka laakiin daafaca ahna kabtanka kooxda ee Vincent Kompany ayaa shaki la galinayaa.

Silva ayaa ka soo kabsaday jug ka soo gaartay kulankii West Ham ee todobaadkii hore taas oo uu ku seegay kulankii champions leageu ee Shakhtar Donetsk.

Citya ayaan dhaawac kale oo halis ah ka cabanayn iyada oo ay diyaar u wada yihiin xiddigeheedii ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee premier league.

Halkan Hoose Kaga Bogo liiska uu Guardiol u soo xushay kulanka:

Ederson, Bravo, Walker, Danilo, Otamendi, Mangala, Kompany, Delph, Zinchenko, Toure, Gundogan, Fernandinho, D Silva, B Silva, De Bruyne, Sterling, Sane, Aguero, Jesus.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply