Man City Oo Wadahallo Dhab Ah La Furtay Raheem , Hishiis Cusub Ayay Ku Abaal Marinayaan ,Waa Imisa Sano.

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda City ay wadahadallo la fureen garabkooda Raheem Sterling kaasi oo hanaan nciyaareed wacan soo bandhigaya xilli ciyaareedkaan waxa ayna doonayaan in ay hishiis cusub ka saxiixdaan .

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in City wadahadallo wax ku ool ah la fureen 22 sano jirkaas si ay uga fogaadaan in koox kale uu uga wareego mustaqbalka dhaw .

Raheem Sterling ayaa City kulankii qamiisita ee horyaalka waxa uu kooxdaas ku hogaamiyay guul waqtigii geerida ee daqiiqaddii 95-aad waxa ayn xilligaas ka badiyeen Southampton oo ay ku garaaceen 2/1

Laacibkaas reer Ingiriis ayaa kooxdaas u dhaliyay xilli ciyaareedkaan illaa haatan 13 gool dhamaan tartamaada ay ku jiraan .

Sidaas oo ay tahay hishiiska Raheem ee City ayaa waxaa ka harsan laba sanno iyo bar balse waxa ay doonayaan in ay ka hor tagaan isku day waliba oo lagu soo damaacin karo

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Arsenal ay xiiseyneyso saxiixa Raheem oo ay u arkaan badelka Sanchez kaasi oo loo badinayo in uu ka huleelayo kooxdaas Arsenal

Waxaa xusid mudan in Raheem uu kooxdaas u yimid July 2015-kii xilligaas oo 49 milyan oo gini uu uga soo wareegay Liveprool ,lamana helin hishiis cusub mudad auu gaarayo basle waxaa lasoo xigtay in uu yahay mid waqti fog sii jiraya .

Comments

comments

Leave a Reply