Luka Modric Oo Ka Tagi Doona Real Madrid & 3 Kooxood Oo Doonaya, Coutinho Oo Diiday In Uu Ku Biiro Barcelona & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

Wacan oo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha aanu jecelnahay meel walba oo aad ka joogtaan dunida waxa aanu idinku salaamaynaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum warxamatulah.

Intaa kadib waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada adduunku ka qoraan wararka khuseeya ciyaaraha.

Suuqa kala iibsiga ayaan furmi doonin ilaa laga gaaro 1 bisha January ee sanadka 2018 laakiin kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa bilaabay in ay raadiyaan xiddigo ku haboon kooxdooda oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kooxda.com wax masuul ah kama ahan wararkan waxana xuquuqdooda leh wargaysyada ku hor xusan ee laga soo xigtay.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa la filayaa in uu kooxda Real Madrid isaga tago Dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli lala xiriirinayo kooxaha Inter Milan, Juventus,Roma iyo Man United (Diario Gol).

Kooxda Barcelona ayaa Janaury doonaysa in ay kooxda keento daafac dhexe xilli ay bartilmaameedsan doonto xiddigaha Inigo Martinez,Stefan de Vrij Iyo Jonathan Tah (Sport).

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay laba jeer dhabarka ka toogato kooxda Man United iyada oo ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixanaysa Mesut Ozil sidoo kale lagu soo waramayo in ay heshiis la gaartay Leon Goretzka (Bild).

Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool xilli ay jiraan warar sheegaya in ay Barcelona 128 milyan oo euro kula saxiixanayso (Mundo Deportivo).

Wadahadalada heshiis kordhinta Thibaut Courtois ee kooxda chelsea ayaa gaartay meel cakiran waxana uu goolhayahan midkood ku biiri doonaa Juventus ama Real Madrid xagaaga xilli ayna Blues doonayn in ay si xor ah ku lumiso xagaaga 2019 (Don Balon).

Kooxda Ac Milan ayaa ogaan doonta maalinta Jimcaha in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaa iyada oo laga ganaaxi doono suuqa hadii dambiga lagu helo (Sky Italia).

Kooxda Roma ayaa qorshaynaysa in ay mar kale ku laabato rabitaanka saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leicester city ee Riyad Mahrez (Calciomercato).

Kooxda Man United ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga da,yar ah oo u ciyaara kooxda Malmo ee reer sweden ee Lucas Gomes, 14 (Skanesport).

Kooxda Inter Milan ayaa kooxda chelsea kala xiriirtay saxiixa xiddiga haatan wacadaraha ka dhigaya kooxda ee Andreas Christensen (Calciomercato).

Comments

comments

Leave a Reply