Lucas Vazquez Oo Waqtigii Dhamaadkii Guul Ku Hogaamiyay Real Madrid ,Dortmund Ayay 3/2 Ku Garaaceen

Real Madrid ayaa nasiinada ugu dirtay Borussia Dortmund 2/1 waxaana lagu ciyaarayay garoonka Santiago Bernabéu xilli goolasha Real ay kala dhaliyeen Borja Mayoral iyo Ronaldo waxa ayna yimaadeen daqiiqadihii 8-aad iyo 12-aad halka kan Dortmund uu yimid daqiiqaddii 44-aad waxaana saxiixay Pierre-Emerick Aubameyang

Xilli goolashaas ay yimaadeen biloowgii ,kooxda Real iyaga aya haystay kubadda waxaana laga filan karay goolal dheeraad ah xilli kalsooni dheeraad ah ay ka muuqatay ciyaartooyda kooxda tababare Zidane

Inkastoo Dortmund is fahan la`aan oo ay sii dheer tahay kalsooni yari ay ka sheeganayeen biloowgii hadana dhamaadkii isku dayo ayay sameeyeen oo goosha Real ah balse sidii la rabay ugama aysan faa`ideysan

Guud ahaan marka la qiimeeyo qeybtaas hore Real ayaa kubadda maamuleysay heer gaarsiisan %63 dhowr jeerna waa ay sigayeen goosha kooxda reer Jarmal
Real waxaa dhamadkii ka dhaawacmay Varene kaasi oo daqiiqaddii 38-aad lagu badalay Asensio

Soo laabashadii ,Dortmund durba goolka bar bar dhaca ayay heleen waxaana daqiiqaddii 48-aad u saxiixay mar mar kale weeraryahankooda Pierre-Emerick Aubameyang

Ma jirrin fursado badan xilli Real-shii la filayay in goolal dheeraad ah dhallin doonaan marka la eego biloowgii wanagsanaa ee qeybtii hore hadana Dortmund waxa ay u muuqdeen kuwo hurdada ka kacay

Weeraryahanka Dortmund ee Aubameyang ayaa dhibaato ku ahaa daafaca Real balse Nacho ayaa kubadda la qeybsanayay oo heer wacan soo bandhigayay

Ka dib dhacdooyinkaas Real , kubadda ayay ku cadaadinayeen kooxda reer Jarmal waxa ayna Dormund ku qasbeen in aysan ka soo bixin booskooda daafac .

Dhamaadkii Real fusraod badan ayay helayeen cadaadis aan kala joogsi laheyn waa ay saareen kooxda reer Jarmal illaa ay gool 3-aad ku helaan waxaana daqiiqaddii 81-aad saxiixay Lucas Vazquez , waxa ayna ciyaartaas ku dhamaatay 3/2

Comments

comments

Leave a Reply