Liverpool Oo Xasuuq Ayna U Aaba Yeelin U Gaysatay Kooxda Spartak Moscow Iyo Coutinho Oo Saddexley Dhaliyay

Kulan ka tirsanaa wareega Group-yada champions league gaar ahaan Group-ka E Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Spartak Moscow kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Liverpool ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay iyada oo daqiiqadii 4-aad heshay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Philippe Coutinho oo kulanka ka dhigay 1/0 ay Reds hogaanka ku haysa.

Reds ayaan halkaas ku joogsan waxa ay goodoomin ka qabatay kooxda Spartak Moscow iyaga oo doonayay in ay ciyaarta wakhti hore dilaan.

Kadib dadaal waali ah Liverpool ayaa mar kale heshay goolka 2-aad iyaga oo uu daqiiqiiqadii 15-aad goolka u dhaliyay isla xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa.

Kooxda Spartak Moscow ayaa noqotay koox aan xitaa madaxa kor u qaadi karin iskuna dayi karin goolal ama in ay qaado weeraro ay goolal ku dhalin karto.

Reds ayaa sii dheeraysatay hogaanka daqiiqadii 19-aad iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ay Liverpool ahayd kooxda maamulaysay ciyaarta waliba dhalin kartay goolal intaa ka badan iyada oo uu nasiibku u saacidi waayay.

Qaybtii dambe ayaay si la mid ah qaybtii hore ku bilaabatay si waali ah iyaga oo qaadayay weeraro aan naxariis lahayn oo ay ku doonayeen goolal kale.

Kadib weeraro waali ah Liverpool ayaa gool dhalisay daqiiqadii 47-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Liverpool ayaa halkeedii kasii waday weerarada iyada oo daqiiqadii 50-aad heshay goolka 5-aad iyaga oo uu u dhaliyay Philippe coutinho isaga oo ciyaarta ka dhigay 5/0.

Xiddigaha Klopp oo ogaaday in ay hubiyeen in ay ciyaartu gacantooda ku jirto ayaa bilaabay in ay sida ay doonaan u ciyaaraan ciyaarta.

Kadib fursad kale oo uu Sameeay Daniel Sturridge Sadio Mane ayaa ka dhaliyay goolkii 6-aad ee kooxdiisa Liverpool isaga oo ciyaarta ka dhigay 6/0.

Kadib in badan oo uu gool raadiyay Mohamed salah ayaa dhaliyay goolkii 7-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 7/0 isaga oo sii badiyay xasuuqii ay Reds kula kacday.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaar ay Liverpool gaysatay xasuuq ba,an sidaasna isaga xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka champions league

Comments

comments

Leave a Reply