Liverpool Oo jabisay Rikoor Champions League Ah Oo U Yaalay Man United, Mid Kalena U Dhigtay Kooxaha Reer England

Kooxda Liverpool ayaa xasuuq Ba,an u gaysatay kooxda Spartak Moscow kulan ka tirsanaa kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada champions league.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa gaaray guul weyn oo 7/0 xilli Philippe Coutinho dhaliyay 3 gool halka Sadio Mane dhaliyay 2 gool, Firmino iyo salah ayaa dhaliyay min hal gool.

Guusha raaxada leh ee ay gaartay Liverpool ayaa la macno ah in ay dhaliyeen 23 gool 6 kulan oo kalya waana goolasha ugu badan ee ay koox England ka socta dhaliso taariikhda champions league.

Rikoorkii horay u yaalay ayaa ahaa mid ay Man United dhigtay sanadkii 1998 wakhtigaas oo ay Wareega Group-yada dhalisay 20 gool iyada oo la Group ahayd kooxaha Bayern Munich, Barcelona Iyo Brondby.

United ayaa champions league ku guulaystay wakhtigaas iyada oo dhamaystirtay xilli ciyaareed taariikhi ah oo uu hogaamiyay tababare Alex Ferguson.

Kadib 23 gool ay dhaliyeen Liverpool ayaa rikoor cusub u dhigtay kooxaha reer England iyada oo haatan noqotay kooxda ugu badan ee goolasha dhalisa wareega Group-yada champions

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa sigtay in ay jabiso rikoorka ugu weyn champions league dhanka Goolasha wareega Group-yada tartanka.

Laakiin PSG ayaa bar-baraysay rikoorkaas kadib markii ay dhalisay 25 gool 6-dii kulan ee ay ciyaartay iyada oo la Group ah Bayern Munich, Celtic Iyo Anderlecht.

Comments

comments

Leave a Reply