Lionel Messi Oo Ka Xanaaqsan In Uu Cristiano Ronaldo Ku Guulaysan Doono Abaalmarinta Ballon d’Or-ka & Sababta Oo La Ogaaday

Lione Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu ka xanaaqsan yahay in uu Cristiano Ronaldo ku garaacayo abaalmarinta Ballon d’Or-ka oo caawa lagu bixin doono France.

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa ka war qaba in uu Ronaldo ugu cad-cad yahay ku guulaysiga Ballon d’Or 2017 oo lagu bixin doono caasimada France ee Paris.

Hadii uu Ronaldo ku guulaysto abaalmarintan waxa uu la bar-barayn doonaa Messi o ah xiddiga ugu badan ee ku guulaysta taariikhda abaalmarintan.

Laakiin Messi ayaa aaminsan in aanu Ronaldo u qalmin in uu ku guulaysto baalmarintan sida laga soo xiganayo wargayska Diario Gol.

Messi ayaa la sheegayaa in uu Aaminsan yahay in uu Ronaldo ka faa,iidaystay taageero weyn oo uu ka helay xiddigaha ay isku kooxda yihiin iyo waliba in uu xiddiga reer Portugal seegay kulamo waaweyn.

Halka uu isagu kaligii dhabarka ku waday kooxda Barcelona oo u muuqatay mid duntay xilli ciyaareedkii hore iyo waliba in uu ka goolal badan yahay Ronaldo.

Ronaldo ayaa Real Madrid ka caawiyay in ay ku guulaystay champions league iyo waliba horyaalka La Liga laakiin Messi ayaa aaminsan in ay jiraan xiddigo kale oo ka saamayn badnaa isaga xilli ciyaareedkii hore.

Waxa uu sidoo kale aaminsan yahay maadama uu xilli ciyaareedkii hore ciyaaray kulan kasta in uu isagu u qalmo abaalmarinta ku guulaysigeeda.

Comments

comments

Leave a Reply