Kooxda Man United Oo La Kulantay Dhirbaaxo Xun Saacado Ka Hor Kulanka Manchester Derby & Xiddig Muhiim Ah Oo 6 ilaa 8 Todobaad Garoomada Dhaawac Uga Maqnaaan Doona

Kooxda Man United ayuu war xun oo ayna jeclaysan u soo baxay saacado ka kulanka muhiimka ah ee Manchester Derby ee ay la ciyaari doonaan kooxda hogaanka u haysa horyaalka Premier league ee Man City kulan ka tirsan todobaadkii 16-aad ee horyaalka Premier league.

Man United ayay dhirbaaxo ku dhacday kadib markii dhaawac soo gaaray xiddiga daafaca uga ciyaara ee Eric Bailly kaas oo garoomada ka maqnaan doona ilaa sanadka cusub.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa garoomada ka maqnaan doona 6 ilaa 8 todobaad kadib dhaawac kale oo soo gaaray intii uu ka soo kabsanayay dhaawac hore.

Bailly oo 23 jir ah ayaa ugu dambaysay kulan uu kooxdiisa u ciyaaro kulankii 5 bishii November kulankaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen kooxda chelsea.

Jose Mourinho ayay tahay in uu ciyaaro difaaciisa ugu fiican la,aantiis wakhtiga ugu mashquulka badan ee wakhtiga ciida gaalada oo la ciyaaro kulamo badan.

Bailly ayaa ahaa xiddig si joogto ah ugu ciyaara kooxda Man United xilli ciyaareedkii hore laakiin dhaawacyada xiddigan ayaa yareeyay kulamadiisa xilli ciyaareedkan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply