Koox Italy Ah Oo Ku Dhaw Saxiixa Weeraryahanka Kooxda Arsenal Ee Olivier Giroud

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya weeraryahanka kooxda Arsenal ee Olivier Giroud uu ku dhaw yahay in uu ka tago kooxda Arsenal marka la gaaro suuqa January sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigan reer Frnace ayaa si baas u doonaya in uu ku biiro koox uu joogto ugu ciyaaro qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan si uu u ilaashado booskiisa koobka adduunka ee xulka qaranka France.

Ac Milan ayaa la sheegayaa in ay doonayso xiddiga saxiixiisa marka la gaaro suuqa January si ay ugu xoojiso weerarkeeda kadib qaab ciyaareed liidata oo ay kooxdu ku bilaabatay.

Giroud ayaa iska diiday in uu xagaagii hore 30 milyan ugu biiro kooxda Everton laakiin xiddigan ayaa haatan xaqiiqsaday in aanu si joogto ah ugu ciyaari doonin Asrsenal.

Wargayska News – Mondo ayaa sheegaysa in kooxda Ac Milan diyaarinayso dalab ay ku doonayso xiddiga reer France marka la gaaro January.

Maamulka Ac Milan ayaa aaminsan in Giroud uu kooxda ka caawin doono in ay goolal badan dhaliso korna u fuusho kaalmaha sare ee horyaalka.

Comments

comments

Leave a Reply