Jose Mourinho Oo Weerar Ku Qaaday Pep Guardiola & David Silva Oo Sabab U Noqday, Muxuu Sameeyay

Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa dhigiisa Pep Guardiola ku eedeeyay in uu ciyaarayo ciyaar maskaxeed kadib markii uu tababare Guardiola sheegay in uu David Silva Dhaawac ku seegi karo kulanka Manchester Derby.

Xiddiga reer Spain ayaan City ula safrin Ukraine halkaas oo ay kulan champions league kula ciyaari doonaan kooxda Shakhtar Donetsk.

Guardiola ayaa sheegay in aanu ogayn in uu Silva diyaar u noqon doono kulanka Man United ee Old Trafford ee premier league iyo in kale.

Tababaraha Man United ayaa markii hore Wenger ku eedeeyay in uu Alexandre Lacazette dhaawacan yahay inkasta oo uu markii dambe ku bilowday ciyaartii.

Isaga oo ku dhaga hadlaya Pep Guardiola iyo Wenger ayuu yiri” Marka ay xiddigahaygu dhaawacan yihiin way dhaawacan yihiin, waxa aan sheegaa runta”.

“Runta ayaa ah in xiddiga Eric Bailly fursad u haysan in uu ciyaar kulanka Axada, Laakiin Phil Jones ayaa fursad haysta, Fellaini waxa uu haystaa fursad,Ibrahimovic waxa uu haystaa fursad weyn,Matic wuu dhaawacan yahay laakiin hubaal wuu ciyaari doonaa,Carrick fursad uma haysto”.

“Ma jirto sheekooyinka Lacazette ama David Silva runta ayaa ah in kooxaha naga soo hor jeeda ay dhibaatadaas qabaan”.

“Waa dhibaato weyn laakiin ugu dambayn cid kasta waxa ay diyaar u tahay in ay ciyaraan, waa been abuurayaal cajiib ah anuga laakiin waxa aanu nahay qaar aan is waynaysiin”.

Comments

comments

Leave a Reply