Jose Mourinho Oo Si La Yaab Leh Uga Hadlay Kaarkii Casaa Ee Pogba Xalay Lagu Siiyay Kulankii Arsenal

Tababare Jose Mourinho ayaa ammaan ugu qubeeyay goolhayihiisa De Gea kaasi oo qeyb weyn ku lahaa guushii 3/1 aheyd ee United xalay ku soo garaaceen kooxda Arsenal oo ay marti ugu ahaayeen kullan ka tirsanaa wareegga 14-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Goolhaye De Gea ayaa ku guuleystay intii kulankaas lagu jiray in uu difaaco 14 laad oo qaarkood goolal xaqiiq ah ahaayeen waxa ayna taasi caawisay kooxdiisa oo guul wacan ku soo gaartay qalcadda Emirates ee Arsenal .

Mourinho ayaa ka dib ciyaartaas waxa uu wargeyska Sport ee Spain ka yiri ” mar waliba waxaad u baahan tahay in goolhayahaaga uu wax wacan sameeyo kulamada waa weyn ,De Gea-na shaqo wacan ayuu qabtay”

” Waxaan maanta arkay goolhayaha aduunka ugu fiican , ka dib kulankaas waxana u sheegay De Gea in uu yahay dhab ahaantii goolhayaha xiligaan ugu fiican dunida , guud ahaan ciyaartooyda United niyad wacan ayay soo bandhigeen iyo farsamooyin maskaxeysan” ayuu sii raaciyay macalin Jose Mourinho .

Mar la weydiiyay kaarkii casaa ee Pogba la siiyay ayuu Jose yiri ” arintaas idinka ayaan idin daayay , dhab ahaan dhulka garoonka aad ayuu u qurxoonaa sidaa darteed waxa ay jeclaayeen in ay si joogto ah ugu dhac dhacaan , taasina waxaa marqaati ka ah dhacadadii Hector Bellerin iyo Pogba , sidoo kale Koscielny iyo Lukaku”

United ayaa guushaas u suura gilisay in ay u sii dhawaadaan kooxda hogaanka haysa ee Man City waxa ayna haatan kaliya ka hooseeyaan 5 dhibic iyaga oo leh 35 dhibic

Comments

comments

Leave a Reply