Inter Milan Oo Dhabarka Ka Toogatay United , Hishiis Cusub Ayay Ka Saxiideen Goolhaye Samir Handanović

Kooxda Inter Milan ayaa shaaca ka qaaday in hishiis cusub ay ka saxiixdeen goolhayhooda Samir Handanović ,waxa ayna arintaas ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka

Arintaan ayaa dhabar jab weyn waxa ay ku tahay kooxda Man United oo isu diyaarineysay inay dalab rasmi ah ka geeyaan kala wareegga bisha 1-aad ee sanadka cusub .

Inter waxa ay sheegeen in goolhaye Samir Handanović ka saxiixdeen hishiis gaaraya illaa iyo sanadka 2021-ka

Goolahayahaas 33 sano jirka ayaa Inter u yimid xilli ciyaareedkii 2012/2013-ka xilligaas oo uu ka soo wareegay kooxda Udinese

Wiilkaas reer Slovenia ayaa illaa haatan waxa uu Inter Milan u saftay 195 kullan oo rasmi ah waxa uuna illaa haatan ku soo muuqdaa heer ciyaareed aad u wacan

Comments

comments

Leave a Reply