Hazard Oo Farriin Caga Jugleyn Ah U Diray Barcelona Iyo PSG “Waa Qasab In Hal Arin Ay Ogaadaan Ka Hor Kulankaas”.

Kubad sameeyaha kooxda Chelsea ee Hazard ayaa farriin caga jugleyn ah u diray kooxaha laga yaabo in ay isku aadaan wareegga 16-ka Champion-ka

Chelsea ayaa xalay u soo baxday wareggaas ka dib markii ay bar bar dhac min hal gool ah la galeen Atletico Madrid oo ka hartay tartankaas waxa ayna Chelsea ku soo baxeen booska labaad ee Group-kooda.

Chelsea ayaa haddii ay badin lahaayeen kulankaas waxa ay ku soo bixi lahaayeen booska 1-aad balse Roma ayaa gashay inkastoo isku dhibcio ahaayeen oo min 11 ayay yeesheen balse waxaa la eegay natiijada kulamadii labadaas koox yeesheen xilli ciyaareedkaan ee Champion-ka

Haatan , waxaa laga yaaba in kooxdaas reer Ingiriis ee Chelsea ay ku aadaan midkood PSG,Barcelona ama kooxda Beşiktaş

Hazard ayaa ka yiri Daily Star ” Chelsea waxa ay awoodaa in koox waliba oo ku aadda wareegga 16-ka ay garaaci karaan, wax dhib ah kuma qabno kooxda aan ku aadno waayo waxaan nahay Chelsea”.

” Waxaan nahay koox weyn waan awoodnaa in aan wax waliba sameynno” ayuu yiri kubad sameeyahaas .

Waxa uu Hazard intaas sii raaciyay” waxa ay aheyd in aan booska 1-aad ku soo baxno balse dhib malaha bar bar dhacaas waayo Atletico waa koox weyn , ugu dambeyn waan ku faraxsannahay in aan wareegga 16-ka u soo baxnay”

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in isku aadka wareegga 16-ka Champion-ka la qabanayo 11-ka bishaan December

Comments

comments

Leave a Reply