Gantaaladii Arsenal Oo Duqeyn Waayay Baskii Daafac Ee United, 3/1 Ayaa Lagu Garaacay Gunners Xilli Pogba Dhamaadkii Uu Qaatay Kaarka Cas

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar waxaana kubadda ku badneyd United oo weerar aheyd oo daqiiqaddii 1-aad ayayba kubadda gaarsiinayeen goosha Arsenal

Ka dib qalad baas oo ka dhacay Arsenal waxaa loogu badalay gool ka dib kubad lagu dhisay ayaa waxaa laad xooggan ku laaday goosha Arsenal xiddiga lagu magacaabo Valencia kaasi oo shabaqa dhigay daqiiqaddii 4-aad.

Inkastoo goolkaas looga naxsaday hadana Arsenal kama aysan qaadin niyad jab waxa ayna isku dayayayeen in kubadda ku dhisaan United balse daafac ayaa soo celinayay .

Xilli xaalka sidaas ahaa Arsenal qalad weyn ayaa waxaa dhigay xiddigooda Mustafi oo isaga oo ahaa daafaca u dambeeyay ayuu kubadda daahiyay waana laga dafay ka dib baas ayay ku dhiseen Lukaku iyo Martial waxaana shabaqa dhigay Jesse Lingard daqiiqaddii 11-aad.

Ka dib dhacadaas waxa uu Wenger badalay Mustafi kaasi oo dhaawacmay waxa uuna soo giliyay Alex Iwobi daqiiqadii 15-aad .

Arsenal waxaa ka maqnaa in ay kubadda dadajiyeen halka United marka kubadd aay cagtooda gasho ay durba u jiidayeen goosha kooxda Wenger waa ayna u nuglaayeen gool 3-aad maadaama United ay si dhab ah u ciyaarayeen .

Arsenal oo kubado koorno ku heleysay United ayaa daqiiqaaddii 19-aad waxaa laga bad baadiyay gool waxaana sidaas sameeyay goolhaye De Gea xili kubaddaas uu lahaa Lacazzete .

United kubadda waa looga badnaa oo Arsenal ayaa baasas isu dhiidhiibeysay balse United cadaadiska Arsenal qaab deggan ayay ku wajaheen xilli marka ay kubadda cagtooda gashana ay weerarayeen kooxda Wenger .

Arsenal ayaa mamaulka kubadda haystaya halka United ay ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah xilli isku dayo waliba oo ay saaxibada Ozil sameeyeen uu soo kala jarayay daafaca United .

Daqiiqaddii 31-aad Arsenal ayaa gool waxaa ka qasaariyay Lacazeta oo goolhayaha ayaa si sahal ah uga qabtay halka ka dib ku celiskiina ay uga dhacday birta balse Arsenal waa ay ciqaabayeen United .

Arsenal fursado ayay helayeen balse De Gea ayaa joogay iyo daafac adag , waxaana xusid mudan in United ka faa`ideysteen fursidihii ay heleen balse guud ahaan kubadda waa laga haystay .

Arsenal gool ayaa diidanaa xili De Gea uu bad-baadiyay goosha United oo kubado xaqiiq ah ayuu si mucjiso leh u bad baadiyay balse United maqane jooge ayay noqdeen oo daafac kaliy ayay ku jireen waxa ayna labada koox nasiinada ku aadeen labadaas gool ee lagu lahaa Arsenal .

Soo laabashadii ,Arsenal baasas gagaban ayay isu dhiidhibayaeen wax aayna baaid goobayene meel ay umaraaan gosoah United ilaa ay ka keeneen ugu dambeyn

Kubad si cajiib ah la isugu dhiidhiibay ayaa ugu dambeyn waxaa qajafeeyay Sanchez waxaana sii baasay Ramsey xilli u dhalin karay waxa uuna siiyay Alexandre Lacazette kaasi oo shabaqa dhgay daqiiqaddii 49-aad

Taageerayaasha Arsenal waxa ay si wacan u dhiira gilinayeen ciyaartooyda kooxda kuwaasi oo u dhawaanayay gool xilli United daqiiqaddii 50-aad gool ku sigteen kaasi oo rogaal celis ahaa balse birta ayay uga dhacday xilli ka dib Arsenal gool xaqiiq ahaa uu ka bad baadiyay goolhaye De Gea waxa ayna aheyd daqiiqaddii 51-aad

Daqiiqaddii 55-aad De Gea ayaa Arsenal u diiday goolka bar bar dhaca ,kubad lagu soo laaday ayuu celiyay waxa ku sii celiyay Sanchez hadana mar kale ayuu bad baadiyay waxa ayna ciyaarta noqotay Arsenal iyo De Gea kaasi oo gantlaada wiilasha Wenger difaacayay .

Ciyaarta mid deg degsiimo leh ayay aheyd xilli wiilasha Jose ku tiirsanaayeen kubadaha weerar celiska ah waana laga filan karay gool illaa ugu dambeyn uu keenay Jesse Lingard kaasi oo kubad uu la soo baxsaday u baasay Pogba kaasi oo ku soo celiyay Jesse Lingard oo ugu dabeyn shabaqa dhigay daqiiqaddii 63-aad




De Gea wacdaro ayuu dhigay daqiiqaddi 65-aad Sanchez ayuu u diiday shabaqa kaasi oo kubad xooggan ku laaday goosha United , waxa ayna Arsenal u muuqdeen kuwo aan niyad jabin oo isku dayo kala duwan sameynayeen waxa uuantababre Jose daqiiqadii 67-aad soo geliyay Ander Herrera oo loo badalay Martial halka Arsenal daqiiqadii 69-aad soo giliyeen Welbeck oolo badalay Xnaka

Daqiiqaddii 74-aad United waxaa kaarka cas ka qaatay Pogba waxa uuna ahaa kaarka cas ee tooska ah ka dib markii uu si xun ugu istaagay Hector Bellerin,waxa ayna ka dib labada koox soo giliyeen Olivier Giroud iyo Matteo Darmian oo loo badalay Olivier Giroud r iyo Lingard.

Arsenal isku dayo kala duwan ayay sameynayeen balse kubadda meel ay marsiiyaan ma jirrin oo daafac adag ayaa laga xertay .
De Gea mucjiso ayuu dhigay kulankaan gool ayuuna ka bad baaidyay daqiiddii 83-aad halka United daafac adag ay xirteen

Si kastaba ciyaarta ayaa ku dhamaaatay 3/1 oo ay guusha ku raacday kooxda Man United oo kulankaas ku dhameysatay 10 ciyaaryahan ,
United ayaa guushaas ku heshay 35 dhibic halka 5 dhibic ay ka hooseeyaan kooxda hogaanka haysa ee City xilli Arsenal ku istaageen booska 5-aad waxa ayna leeyihiin 28 dhibic

Comments

comments

Leave a Reply