Fabregas Oo Farriin Caga Caga Jugleyn Ah U Diray Man City Ka Dib Guushii Ay Chelsea Ka Gaartay Newcastle United.

Qadka dhexe kooxda Chelsea ee Fabregas ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim aheyd guushii galabta ay ka gaareen Newcastle United

Chelsea ayaa ku badisay 3/1 waxa uuna kulankaas uu ka tirsanaa wareegga 14-aad ee horyaalka Ingiriiska waxaana la joogay garoonka Chelsea

Waxa uu Fabergas sheegay in ay muhiim tahay in kooxdiisa ka shaqeyso sidii loo cadaadin lahaa kooxda hogaanka haatan haysa ee Man City

Sky Sport ayuu Fabergas ka yiri ” haatan farqiga inoo dhaxeeya waa 8 dhibic , waa in aan sii cadaadinaa waliba sugnaa in ay lugta u baxdo si aan hogaanka ugala wareegno”.

Chelsea ayaa haatan ku jirta booska 3-aad waxaana goolal booska labaad kaga haysa United oo ay wada leeyihiin min 32 dhibic

Comments

comments

Leave a Reply