Emre Can → Real Madrid, Joao Mario → Man United, Henrikh Mkhitaryan → Inter Milan & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

Wacan oo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha aanu jecelnahay meel walba oo aad ka joogtaan dunida waxa aanu idinku salaamaynaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum warxamatulah.

Intaa kadib waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada adduunku ka qoraan wararka khuseeya ciyaaraha.

Suuqa kala iibsiga ayaan furmi doonin ilaa laga gaaro 1 bisha January ee sanadka 2018 laakiin kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa bilaabay in ay raadiyaan xiddigo ku haboon kooxdooda oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kooxda.com wax masuul ah kama ahan wararkan waxana xuquuqdooda leh wargaysyada ku hor xusan ee laga soo xigtay.

Real Madrid ayaa si lama filaan ah hogaanka ugu qabatay baacsiga loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Emre Can iyada oo u dhaqaaqi doonta adeegiisa Suuqa Janaury (Marca).

Kooxda Tottenham ayaa isha ku haysa in ay 50 milyan oo euro ka gudbiso xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Suso si ay ugu soo celiso Premier League (Calciomercato).

Zinedine Zidane Iyo Florentino Perez Oo si qarsoodi ah ula xiriiray xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard iyaga oo kala hadlay sidii uu ugu biiri lahaa kooxda Los Blancos (Diario Gol).

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dhigeeda Inter Milan la samayso heshiis isku badalasho ah iyada oo miiska u saari doonta Henrikh Mkhitaryan si ay uga helaan xiddiga Joao Mario marka la gaaro January (Calciomercato).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Dani Ceballos ayaa isku diyaarinaya in uu ka tago Real Madrid marka la gaaro Janaury xilli ay xiiso u muujiyeen kooxaha Arsenal, Tottenham, Roma Iyo AC Milan (Marca).

Goolhayihii hore ee kooxda Real Madrid ee Iker Casillas ayay u badantahay in uu ku biiro kooxda Newcastle marka la gaaro suuqa January (Mundo Deportivo).

Kooxda Juventus ayaa badalka Alex Sandro oo lala xiriirinayo kooxda chelsea u calaamadsatay xiddiga kooxda Valencia ee Luis Gaya (Football Italia).

Rajadii ay kooxda Liverpool ka qabtay saxiixa xiddiga kooxda Sportingo Lisbon ee Gelson Martins ayaa fiicnaatay kadib markii uu wakiilkiisu shaaca ka qaaday in uu xiddigu kooxda ka tagi doono xagaaga dambe (Sport).

Comments

comments

Leave a Reply