Dib U Eegid: Shaki La,aan Jamie Vardy Waa Dilaaaga Kooxaha Waaweyn Ee 6-da Ah, Imisa Gool Ayuu Ka Dhaliyay

Weeraryahanka kooxda Leicester City ee Jamie Vardy ayaa gool wakhti hore ah ka dhaliyay kooxda Liverpool kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier league.

Jamie Vardy ayaa baas ka helay Riyad Mahrez waxana uu goolka dhaliyay daqiiqadii 3-aad iyaga oo Liverpool kaga naxsaday goolka 1-aad.

Kadib goolkaas Jamie Vardy ayaa dhaliyay goolkiisii 24-aad ee kooxaha waaweyn ee Liverpool,Arsenal,Chelsea,man United,Man city iyo Tottenham.

Sidaa darteed xiddigan aya ah xiddiga ugu goolasha badan marka laga hadlayo kooxaha waaweyn isaga oo ka dhaliyay 24 gool tan iyo sanadkii 2014.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply