Dib U Eegid: Sergio Aguero Oo Laba Rikoor Kala Baxay Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaartay Bournemouth

Weeraryahanka Kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa rikoor cajiib ah kala baxay kulankii Bournemouth ee ay kooxdiisu guusha weyn ka gaartay kooxdii martida u ahayd.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay laba ka mid ah 4-tii gool ee ay kooxdiisu uga badisay kooxda Bournemouth isaga oo wali sii wada taariikh u dhigista kooxdiisa Man city.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay goolkiisii 100-aad ee garoonka Etihad Stadium ee tartamada ay kooxdiisu ka qayb gasho tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray.

Xiddigan ayaa sidoo kale markii ugu horaysay dhaliyay hal kulan laba gool oo madax ah intii uu joogay horyaalada yurub ugu waaweyn.

Aguero ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay gaarto guushii 18-aad oo xiriir ah xilli ciyaareedkan horyaalka Premier league iyaga 14 dhibcood oo ku meel gaar ah ku qabtay hogaanka.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply