Dib U Eegid: Real Madrid Oo Taariikh Cusub U Qortay Tartanka Club World Cup-ka

Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay koobka Club World cup-ka kadib markii ay garaacday kooxda Gremio kulan ahaa finalka koobkaas oo ka dhacay Abu Dhabi.

Goolka kaliya ee ay Real Madrid ku qaaday koobka ayaa ahaa mid ganataal laag xor ah oo uu dhaliyay xiddiga ugu fiican adduunka ee Cristiano Ronaldo.

Kadib guushan kooxda Real Madrid ayaa taariikh cusub u dhigtay adduunka iyada oo noqotay kooxdii ugu horaysay ee laba jeer oo xiriir ah ku guulaysata tartanka.

Real Madrid ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkii hore ku guulaysatay koobka Club World cup-ka iyada oo ka qaaday kooxda Kashima Antlers.

Kooxda Los Blancos ayaa haatan ah kooxda ugu guulaysiga badan tartanka iyada oo ku guulaystay markeedii 3-aad ee taariikhdeeda.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply