Dib U Eegid: Real Madrid Oo Dhamaystirtay Wixii Ay Xilli Ciyaareedkii Hore Bilowday, Koobkii 5-aad Ayay Iska Jareen

Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay koobka Club Wordl cup-ka kadib markii ay guul 1/0 ah ka gaartay kooxda Gremio kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Zayed Sport City Stadium.

Real Madrid ayaa ku guulaystay koobkeedii 5-aad ee xilli ciyaareedkan xilli Club World cup-ku noqday koobkoodii 5-aad ee ay kor u qaadaan.

Los Blancos ayaa horay ugu soo guulaystay koobab 4 ah oo kala ah Horyaalka La Liga,Champions league,Spain super cup iyo Europe super cup.

Real Madrid ayaa champions league ka qaaday kooxda Juventus halka ay horyaalka La Liga ka qaaday 19 kooxood oo spain ah, Spain super cup ayay ka qaaday kooxda Barcelona kulan laba lugood ahaa.

Los Blancos ayaa Europe Super cup-ka ka qaaday kooxda Man United oo ku soo guulaysatay koobka Europe League xilli ciyaareedkii hore.

Ugu Dambayn Real Madrid ayaa kooxda Gremio ka qaaday koobka Club World cup-ka oo ay caawa uga qaaday 1/0 kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Zayed Sport City Stadium.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply