Dib U Eegid: Real Madrid Oo Boorka Ka Jafatay Rikoork Ay Dhigtay Ku Dhawaad 2 Sano

Cristiano Ronaldo, Nacho Fernandez, Toni Kroos Iyo  Achraf Hakimi ayaa isku qoray gool dhalinta Real Madrid kulankii ay xasuuqa qaybta hore ah u gaysteen kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa boorka ka jafatay rikoor ay ugu dambaysay bishii 17-kii bishii January 2016 markaas oo ah markii ugu dambaysay ee ay 5 gool dhaliso qaybta hore ee ciyaarta.

Los Blancos ayaa meel iska dhigtay gool la,aanta xilli ciyaareedkan haysata waxana ay ka faa,iidaysteen goolal deg-deg ah oo ay ka dh.

Kooxdii ay qaybta hore 5 gool ka dhalisay ayaa ahayd kooxda Sporting Gijon iyaga oo wada ciyaaray kulan ka tirssanaa horyaalka La Liga iyaga oo ay goolasha dhaliyeen xiddigaha Gareth Bale,Cristinao Ronaldo iyo Karim Benzema.

 

Kulankaas ayaa sidoo kale ka dhacay garoonka Estadio Santiago Bernabeu waxana ay ciyaartaasi ku dhamaatay 5/1 xilli kooxda Gijon uu goolka u dhaliyay xiddiga Isma Lopez.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply