Dib U Eegid: Real Madrid Oo Bar-Baraysay Rikoork U Yaala Barcelona Oo Club World Cup-ka Ah

Real Madrid ayaa guul ka gaartay kooxda Al Jazira kulan ka tirsanaa semi-final-ka tartanka Club World cup-ka kana socda Abu Dhabi.

Kooxda Los Blancos ayaa gaartay finalka koobka Club World cup-ka iyada oo sidoo kale bar-baraysay rikoor tartanka ah oo u yaalay kooxda Barcelona.

Kadib labadii gool ee ay Real Madrid ka dhalisay Al Jazira dhalisay waxa ay bar-baraysay rikoorka goolasha tartanka oo u yaalay kooxda Barcelona.

Real Madrid ayaa dhalisay goolkii 23-aad ee tartanka Club World cup-ka iyada oo la bar-baraysay Barcelona oo isla goolashaas dhalisay.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ka qayb qaadashada Real Madrid ee tartanka ay tahay markii 3-aad kadib markii ay horay uga soo qayb gashay qaybihii 2014 iyo 2016.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply