Dib U Eegid : Ramos Oo Taariikhda La Ligaha Isku Qoray , Markaan Waa Dhanka Kaararka Cas ,Imisa Ayuu Marayaa .

Sergio Ramos ayaa weli ku guda jiray qaadashada kaararka cas oo u muuqda nooc uu jecleystay iyadoo xalay laga eriyay kulankii bar bar dhaca bilaa goolasha ay kula galeen kooxda Atletico Bilbao .

Kulankaas ayaa ka tirsanaa wareegga 14-aad ee La Ligaha , waxa uuna Ramos qaatay kaarkaas ka hor todobo daqiiqo dhamaadkii ciyaarta xilli midka digniinta uu horay u qaatay qeybtii hore ee ciyaarta

Ramos ayaa haatan noqday laacibka ugu badan ee taariikhda La Ligaha ee qaata kaarka cas , waxa uuna xalay xareyatay kaarkiisii 19-aad ee nooca casaanka

Waxa ay kooxda.com soo xiganeysa in dhamaan kaararkaas uu ku qaatay Real oo intii uu joogay kooxdiisii hore Sevilla ma uusan qaadan weligiis

Waxa uu haatan Ramos uu ka sara maray dhanka qaadashada kaarka cas laacibkii hore Barcelona , Atletico Madrid iyo Sevilla ee Pablo Alfaro kaasi oo horay u haystay 18 kaarka casaanka ah

Ramos ayaa kulankii xalay saftay isaga oo xeran maasgaro maadaama uu sanka ka dhaawacmay kulankii Atletico Madrid ee horyaalka

Comments

comments

Leave a Reply