Dib U Eegid: Mohamed Salah Oo Rikoor Cajiib Ah Kala Baxay Kulankii Bournemouth

Mohamed salah ayaa kooxda Liverpool ka caawiyay in ay guul ka gaarto kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league todobaadkiisii 18-aad.

Goolal ay dhaliyeen Coutinho,Lovren,Salah iyo Firmino ayaa Liverpool ka caawiyay in ay guul fudud ka gaarto kooxda ay garoonkeeda ku ciyaaraysay.

Salah ayaa sii dheeraystay qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu ku jiray xilli ciyaareedkan isaga oo sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta kadib goolkiisii 14-aad ee uu dhaliyay.

Xiddigan reer Egypt ayaa rikoor cajiib ah ka dhigay horyaalka xilli ciyaareedkan kadib markii uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee horyaalka ah ee gaara goolkii 20-aad ee tartamada oo dhan.

Salah ayaa dhaliyay 14 gool oo horyaalka ah iyo 6 gool oo champions league ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan halka uu sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee 20 gool dhaliya Liverpool tan iyo sanadkii 2013 isaga oo bar-bareeyay Sturridge iyo Suarez oo 20 gool dhaliyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply