Dib U Eegid: Marcos Alonso Oo Hogaamiye U Ah Daafacyada Premier League U Ciyaara Oo Dhan

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Marcos Alonso ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii fiicnaa gaar ahaan dhanka goolasha kadib gool kale oo uu ka dhaliyay kooxda chelsea kulankii Southampton.

Alonso ayaa goolka dhaliyay daqiiqadii 48-aad ee wakhtigii dheeriga ahaa ee lagu daray qaybtii hore ee ciyaartii ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegtay in uu Alnso rikoor u dhigay dhamaan daafacyada ka ciyaara horyaalka premier league xilli ciyaareedkan iyo waliba xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga reer Spain ayaa ku lug leh 14 gool oo horyaalka premier league ah isaga oo 10 gool dhaliyay caawiyena ka noqday 4 gool oo kale.

Xiddiga ugu soo dhaw ayaa ah xiddiga ay isku kooxda yihiin ee César Azpilicueta kaas oo ku lug leh 11 gool oo ay kooxdiisa Blues dhalisay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply