Dib U Eegid: Man City Oo Boorka Ka Jaftay Rikoor Laga Dhigay Premier League 15 Sano Ka Hor

Kooxda Man city ayaa guul ka gaartay kooxda ay dariska yihiin ee Man United kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen David Silva iyo Nicolas Otamendi ayaa citizen ka caawiyay in ay gaarto guul muhiim ah oo ka caawisay in ay 11 dhibcood ku qabato hogaanka horyaalka.

Guushan ayaa kooxda Man city ka caawisay in ay rikoor cajiib ah ka dhigto premier league kadib markii uu noqday kulankii 14-aad oo xiriir ah oo ay guul ka gaartay premier league.

City ayaa bar-baraysay rikoorkan oo ay kooxda Arsenal dhigtay & August 2002 iyada oo markaas gaartay 14 guulood oo xiriir ah oo horyaalka ah.

Kooxda.com ayaa xusaysa in goolka kaliya ee United in uu dhaliyay xiddiga marcos Rashford oo ka faa,iidaystay khalad ay galeen xiddigaha City.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply