Dib U Eegid: Man City Oo Boorka Ka Jaftay Rikoor Aan 34 Sano La Taaban Oo Ay Liverpool Dhitay

Kooxda Man city ayaa mar kale kabaha la dul martay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league todobaadkiisii 19-aad kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

4 Gool oo ay kala dhaliyeen xiddigaha Sergio Aguero (2),Danilo iyo Raheem Sterling ayaa Cith ka caawiyay in ay gaarto guul weyn oo kale.

Kadib guushan kooxda Man City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee dhalisay 100 gool tan iyo Liverpool oo 106 gool dhalisay sanad gudihii

Liverpool ayaa rikoorkaas dhigtay sanadkii 1982-kii iyada oo aan rikoorkaas la gaari muddo 34 sano ah laakiin Man city ayaa haatan dhalisay 100 gool iyada oo ah kooxdii ugu horaysay oo goolashaas dhalisa sanad tan iyo Liverpool.

Goolashii ay Man city ka dhalisay goolka Bournemouth ayaa la macno ah in ay dhalisay goolkeedii 100-aad ee sanadka sii dhamaanaya ee 2017.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply