Dib U Eegid: Liverpool Oo Premier League U Dhigtay Taariikh Aan Horay Looga Dhigin

Kooxda Liverpool ayaa guul ka guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 18-aad.

Reds ayaa ku soo laabatay wadada guusha kadib markii ay labadii kulan ee hore bar-baro gashay waxana ay ku soo laabteen kaalinta 4-aad ee kala saraynta.

Liverpool ayaa dhigtay rikoor cajiib ah oo aan horay premier league looga dhigin kadig guushii ay ka gaareen kooxda Bornemouth.

Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda horyaalka premier league 4 kulan oo xiriir ah kana baxsan garoonkeeda ku badisay 3 gool iyo wax ka badan.

 

Reds ayaa 3 gool iyo wax ka badan ku badisay kulamada Leiceter City,West Ham,Stoke City iyo kulanka Bournemouth kuwaas oo ay dhamaantood ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply