Dib U Eegid: Lionel Messi Oo Santiago Bernabeu Ka Jecel Garoonka Kooxdiisa Ee Camp Nou.

Lionel Messi ayaa kooxdiisa Barcelona ku hogaamiyay guul weyn oo ay ka gaartay kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 17-aad kula ka dhacay garoonka Estadio Santiago Bernabeu.

Kabtan ku xigeenka Barcelona ee Lionel Messi ayaa gool kale kala baxay garoonka Estadio Santiago Bernabeu isaga oo rikoore u dhaliyay kooxdiisa.

Xaqiiqda ayaa ah in uu Lionel Messi dhaliyay goolkiisii 15-aad ee garoonka Estadio Santiago Bernabeu isaga oo goolal badan ku dhaliyay goolka Real Madrid marka loo eego garoonkiisa Camp Nou.

Goolkii ugu dambeeyay ee uu Lionel Messi shaqaba soo taabto isaga oo jooga garoonka Estadio Santiago Bernabeu ayaa ahaa goolkii wakhtiga dambe ee xilli ciyaareedkii kulankii 3/2 ku dhamaatay.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Barcelona guul weyn ka gaartay kooxda Real Madrid kadib 3/0 ay ku garaacday.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply