Dib U Eegid: Kooxda Man City Oo Dhigtay Rikoor Aan Abid Horay Looga Dhigin Premier League

Kooxda Man City ayaa jiidhay kooxda Tottenham kulan ka dhacay garoonka Etihad kana tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 18-aad.

Goolasha ayay Kooxda Man city u dhaliyeen xiddigaha Ilkay Guendogan,Kevin de Bruyne iyo Raheem Sterling (2) kuwaas oo Man city ka caawiyay in ay gaarto guusheedii 16-aad oo xiriir ah.

Guushan ayaa Sidoo kale Man City ka caawisay in ay dhigto rikoor ama taariikh aan abid horyaalka premier leageu looga dhigin intii uu socday.

Citizen ayaa guulo ka gaartay kooxaha chelsea,Liverpool,Arsenal,Man United iyo Tottenham oo loo yaqaano 6-da kooxood ee ugu waaweyn premier league.

Taas ayaa la macno ah in ay kooxda Man city noqotay kooxdii ugu horaysay ee abid guulo ka gaartay 6-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka premier league.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply