Dib U Eegid: Karim Benzema Oo Kulamadii Ugu Dambeeyay Cadaw Weyn Ku Yeeshay Garoomada, Waa Kuma Cadawgaasi

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa wali ku sii jira qaab ciyaareedkiisii xumaa kadib qaab ciyaareed liita oo uu soo bandhigay kulankii ay Kooxdiisa Real Madrid guuldarada bahdilka ah kala kulantay dhigeeda Barcelona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 17-aad.

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa isku dayay in ay markan garab istaagaan xiddigooda Karim Benzema laakiin xiddigan ayaa qaybtii hore mar kale garaacay barita goolka.

Xiddiga reer France ayaa helay fursadii ugu fiicnayn ee kooxdiisa isaga oo daqiiqadii 45-aad ku dhawaaday in uu goolka dhaliyo laakiin Birta ayaa ka hor istaagtay midaas.

Birta ayaa kulamadii ugu dambaysay cadow ka dhigtay Karim Benzema isaga oo si la mid ah xiddigani barta garaacay laba jeer semi-finalkii Club World cup-ka ee Al-Jazira.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply