Dib U Eegid: Jesse Lingard Oo Boorka Ka Jaftay Rikoor Uu Dhigay Daafaca Ay Isku Kooxda Yihiin Ee Chris Smalling 2 Sano Ka Hor

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Jesse Lingard ayaa kooxdiisa Man United ka badbaadiyay guuldaro xanuun badan oo ka soo gaarta kooxda Burnley kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Jesse Lingard ayaa labada gool kala dhaliyay daqiiqadihii 53-aad iyo waliba daqiiqadii 91-aad isaga oo kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro soo gaari kartay.

Kadib labada gool Lingard ayaa boorka ka jaftay rikoor u yaalay daafaca ay isku kooxda yihiin Chris Smalling tan ilaa February 2015.

Lingard ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee kaydka 2 gool kala soo kaca tan iyo 2015 wakhtigaas oo uu Chris Smalling sidaas sameeyay laba goolna kaydka kala soo kacay kulan ay United la ciyaaraysay isla kooxda Burnley.

Man United ayaa bar-barihii 2-aad oo xiriir ah gashay Premier league kadib markii ay sidoo kale 2/2 la gashay kooxda Leicester City.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply