Dib U Eegid: Goolkii Gremio Oo Cristiano Ronaldo Ka Caawiyay In Uu Soo Qabto Xiddigaha Robert Lewandowski Iyo Lionel Messi, Qaab Sidee Ah?

Xiddiga Kooxda Real Madrid iyo kabtan xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa bar-bareeyay goolasha ay sanadka 2017 dhaliyeen xiddigaha Robert Lewandowski iyo Lionel Messi kadib goolkii uu Gremio ka dhaliyay.

Ronaldo ayaa goolka kaliya ee ay Real Madrid ku qaaday tartanka Club world cup-ka u dhaliyay daqiiqadii 53-aad isaga oo laag xor ah dhaliyay.

Xogta la helayo ayaa sheegaysa in uu Ronaldo dhaliyay goolkiisii 53-aad ee tartamada oo dhan ee sanadka 2017 isaga oo sidaas kula bar-bareeyay xiddigaha Robert Lewandowski iyo Lionel Messi oo iyaguna haatan leh 53 gool oo sanadka 2017-ka ah.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Cirtsiano Ronaldo kooxda Real Madrid ku hogaamiyay 5 koob sanadka 2017 halka uu sidoo kale xulka qarankiisa Portugal geeyay koobka adduunka Russia 2018.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply