Dib U Eegid : Gool Dhallin La`aanta Ronaldo Ee La Ligaha Saameyn Weyn Ayay Ku Yeelatay Loolanka Real Ee Horyaalka,Imisa Ayuu Dhaliyay Illaa Haatan?.

Waxaan shaki ku jirrin in heer ciyaareedka xiddiga Real ee Ronaldo uu hoos u dhacay xilli ciyaareedkaan marka la eego La Ligaha .

Ronaldo ayaa si weyn uga sheeganaya dhanka gool dhalinta ee La Ligaha waana arrin dhif iyo naadir ku ah laacibkaas koowaad ee Real .

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu illaa haatan uu La Ligaha ka dhaliyay laba gool ka dib 14 wareeg oo laga ciyaaray horyaalkaas Spain .

Laacibkaas 32 sano jirka ah ayaa la xasuusan yahay in min 10 gool uu lahaa labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay iyadoo la joogay marxaladaan wareegga 14-aad

Waxa ay kooxda.com tilmaameysa in Ronaldo uu haatan uu liiska gool dhalinta horyaalkaas Spain uu kaga jiro booska 47-aad

Kooxda Real oo ay saameysay gool dhalin la`aanta Ronaldo ayaa haatan kooxda hogaanka haysa Barcelona ka hooseysa 8 dhibic halka 2 dhibicna ka hooseyaan kooxda booska sedexaaad ku jirta ee Atletico Madrid xilli kooxda booska labaad ee Valencia-na ka hooseeyaan sedex dhibic

Comments

comments

Leave a Reply