Dib U Eegid: Chelsea Oo Rikoor U Dhigtay Kooxaha Reer Yurub & Xiddigaha Reer Spain Oo Ka Caawiyay

Kooxda chelsea ayaa guul ka gaartay kooxda Stoke City kulan ka dhacay Garoonka Stamford Bridge kana tirsanaa todobaadkii 21-aad ee horyaalka Premier league.

Chelsea ayaa ah kooxda ay goolasha ugu badan u dhaliyeen xiddigo reer Spain ah marka loo eego xiddigaha ka soo jeeda wadamada kale ee horyaalada 5-ta ah ee ugu waaweyn.

Goolkii uu Pedro ka dhaliyay ayaa la macno ah in ay xiddigaha reer Spain Blues u dhaliyeen 21 gool oo tartamada oo dhan ah iyada oo ah rikoor gaar ah.

Alvaro Morata ayaa isagu gool la,aan baxay kadib markii uu tababare Antonio conte ku badalay weeraryahanka reer Belguim ee Michy Batshuayi.

Kooxda.com ayaa xusaysa in horyaalka Spain ee La Liga ayna koox kaliya goolal 21 ah u dhalin xiddigo u dhashay dalka Spain inkasta oo uu spain yahay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply