Dib U Eegid: Cajiib Mohamed Salah Oo Ka Goolal Badan 8 Kooxood Premier League Ah

Mohamed salah ayaa Kooxda Liverpool ka badbaadiyay guuldaro ka soo gaari kartay kooxda Leicester city kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Salah ayaa guul u badalay gool khalad ahaa oo laga dhaliyay kooxda Liverpool daqiiqadii 3-aad ee qaybtii hore ee ciyaartii ka dhacday Anfied.

25 jirka reer Egypt ayaa dhaliyay laba gool daqiiqadihii 52-aad iyo 76-aad iaga oo guul u rogay guuldaro ku dhici lahayd kooxda Liverpool.

Salah ayaa sidoo kale dhaliyay goolkiisii 17-aad ee horyaalka premier league kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Leicester city.

Salah ayaa sidoo kale dhaliyay goolkiisii 23-aad ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan ilaa haatan taas oo la macno ah in uu kaligii ka goolal badan yahay kooxo premier league ah.

Salah ayaa ka goolal badan 8 kooxood oo premier league kuwaas oo kala ah Crystal Palace, Burnley, Brighton, Swansea, West Brom, Huddersfield, Southampton & Newcastle.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply