Dib U Eegid: Achraf Hakimi Oo Isku Qoray Taariikhda Kooxda Real Madrid Kadib Goolkii Sevilla

Kooxda Real Madrid ayaa guul qaybtii hore ee ciyaarta ka gaartay kooxda Sevilla kulan ka dhacay garoonka Real Madrid ee Estadio Santiago Bernabeu iyada oo gaartay guul 5/0 ah.

Kulankan ayuu taariikh gaar ah dhigay xiddiga goolka 5-aad dhaliyay ee Achraf Hakimi kaas oo gool ka dhaliyay baas uu ka helay Karim Benzema.

Kadib markii uu horay taariikh uga dhigay hadana xiddigan daafaca midig ah ayaa dhamaystiray gool rogaal celis ah oo ay soo dhiseen xiddigaha Cristiano Ronaldo Iyo Karim Benzema isaga oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Real Madrid.

Goolkaas ayaa Achraf ka caawiyay in uu noqdo xiddigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda dal African ah ee gool u dhaliya kooxda Real Madrid.

Xiddigan ayaa ku soo bilowday booskii Dani Carvajal maadama uu xiddiga reer Spain ganaax hal kulan ah ku maqan yahay kadib digniintii uu qaatay kulankii ugu dambeeyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply