DEG-DEG: Kooxda Bayern Munich Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee January, Weeraryahan Ayay Lasoo Wareegeen

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January iyada oo kooxdeeda ku soo dartay weeraryahan cusub oo reer Germany ah.

Bayern Munich ayaa kooxda Hoffenheim kala soo wareegtay weeraryahanka Sandro Wagner kaas oo ay ka saxiixatay heshiis ku eg ilaa 2020.

Boga Rasmiga ah ee kooxda Bayern Munich ayaa sheegay in uu Sandro Wagner ku dhashay Bayern Munich kana mid yahay xiddigaha ka soo baxay Akademiyada kooxda isaga oo kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda sanadkii 2007/2008 ka hor inta uuna ku biirin kooxda Duisburg.

Xiddiga isku maray kooxo badan oo Germany ah ka hor inta uuna ku soo laaban kooxda Bayern Munich kooxahaas oo kala ah Darmstadt,Hertha BSC,Kaiserslautern,Werder Bremen Iyo Hoffenheim oo ugu dambaysay.

Si kasta ha ahaatee 30 jirkan ayaan xulka qaranka Germany wakhti hore ku bilaaban isaga oo fursad u helay sanadka 2017 isga oo 30 jir ah waxana uu u ciyaaray 7 kulan waxana uu dhaliyay 5 gool.

Xiddigan ayaa ah saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Bayern Munich iyada oo la tartansiin doonta weeraryahanka haatan kooxda jooga ee Robert Lewandowski.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply