Crystal Palace Vs Man City : Hantiilayaasha Waa Ay Garanayaan Habka Looga Badiyo Palace , Imisa Jeer Ayay Garaaceen?.

Crystal Palace ayaa kullan adag oo wareegga 21-aad ee horyaalka Ingiriiska ah waxa ay ku marti gilinayaan kooxda hogaanka haysa ee Man City

Crystal Palace oo ku jirta oo booska 16-aad ayaa baadi goobeysa in natiijo wacan kala baxaan kulankaas kana fogaadaan guul daradii labaad ee isku xigta ee qabsata halka City-na raadinayaan guushoodii 19-aad ee isku xigta ee horyaalka

Xogta Kulanka

* Man City waa ay badiyeen labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen Crystal Palace waxa ayna ku garaaceen 5/0 labadii jeerba , markii ugu dambeysay ee sedex kulan isku xiga isla hal natiijo City ku garaaceen Crystal Palace waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 1937/1938-dii

* Crystal Palace kaliya hal jeer badiyeen 11-kii kullan ee ugu dambeeyay ee ay City kaga hortageen kulan horyalka ah halka ay qasaareen 10 kullan waxaana ku jira 7 kullan oo isku xigay

* Man City kaliya hal guul ayaa ka xigta in ay bareejeeyaan rikoor guulaha ee 5-ta horyaal ee yurub ugu weyn ee u diiwan gishan Munich kuwaasi oo xilli ciyaareedkii 2013/2014-ka badiyay 19 kullan

* Man City oo uu tababare Pep hogaaminayo waxa ay badiyeen 11 kullan oo isku xiga horyaalka oo ay ku soo ciyaareen banaanka garoonkooda waxa ay lambarkaas la qabsadeen Chelsea oo arintaa sameeysay inta u dhaxeysay April iyo December ee sanadkii 2008-da

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply