Chelsea,Liverpool Mise? Pierre-Emerick Aubameyang Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Janaury

Xiddiga diirada u saaran kooxaha chelsea iyo Liverpool ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay kooxdii uu ku biiri lahaa marka uu ka tago kooxda Borussia Dortmund Sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigan reer Gabon oo aan ku faraxsanayn kooxda Borussia Dortmund ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda nolol cusubna bilowdo marka la gaaro suuqa January.

Wargayska Tuttosport ayaa doonaya in uu ku soo laabto kooxda Ac Milan inkasta oo uu xiiso waali ah ka helayo kooxaha premier league.

Chelsea iyo Liverpool ayaa si weyn loola xiriirinayay xiddian reer Gabon wakhtigii ugu dambaysay iyaga oo labadooduba qorshaynaya in ay helaan saxiixiisa.

Laakiin waxa ay u muuqataa in uu door bidayo in uu dib ugu laabto kooxda Ac Milan oo ah kooxda uu ka soo baxay Akademiyadeeda.

Kooxda reer Italy ee Ac Milan ayaa suuqii xagaaga kooxda galisay lacag dhan 170 milyan oo euro oo ay kula soo wareegtay 11 xiddig oo cusub laakiin waxa ay haatan kaliya badisay 6 kulan 15 kulan oo horyaalka Italy ah.

Milan ayaa diyaar u ah in ay xiddigan kooxda ku soo darto inkasta oo ay laba weeraryhan ku soo dartay kooxda suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in lagu heli karo kaliya lacag dhan 62 milyan oo euro waxana laga yaabaa in ay Milan iibiso qaar ka mid ah xiddigeheeda si ay xiddiga boos ugu banayso.

Comments

comments

Leave a Reply