Chelsea,Bayern Munich Mise Shakhar? Saxafi Spain Ah Oo Saadaaliyay Kooxda Ay Barcelona Ku Dhici Doonto Wareega 16-ka Tartanka Champions League

Wargayska Mundo Deportivo ayaa soo xigtay saadaasha saxafiga caanka ah ee Alex Martin kaas oo saadaaliyay kooxda ay Barcelona ku dhici doonto wareega 16-ka ee tartanka champions league.

Isku aadka wareega 16-ka champions league ayaa la qaban doonaa saacado yar kadib iyada oo ay jiraan 5 kooxood oo kala ah chelsea,Bayern,Shakhatar iyo Portu kuwaas oo ku dhici kara Barcelona.

Alex Martin ayaa ka mid ah saxafiyiinta ugu caansan adduunka waxana uu khabiirk ku yahay xogta khusaysa ciyaaray kubada cagta.

Saxafigan oo isticmaalay qalab, xog iyo taariikho kala duwan ayaa saadaaliyay in ay kooxda Barcelona ku dhici doonto kooxda chelsea ee ka ciyaarta Premier league.

Kadib cel-celis uu sameeyay kooxda chelsea ayaa 47% ku dhacaysa kooxda Barcelona halka kooxda shakhtar 14% ku dhacayso iyo Bayern Munich oo 13.5% ku dhacayso Barcelona.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply