Chelsea Vs Barcelona,Real Madrid Vs United/City: Marca Oo Samaysay Qiimaynta Sida Ay Kooxaha Reer Spain Ugu Dhici Karaan Kooxaha Kale

Ka isku aadka maalinta isniinta ee wareega 16-Ka tartanka champions league waxa la sameeyay saadaalin iyo waliba qiimayn siday kooxuhu isugu dhici karaan xilli ay u badantahay in ay Chelsea ku aadi doonto kooxda Barceloa halka ay kooxaha Real Madird ama Sevilla midkood ku dhici doonaan Roma.

Xilli ayna Atletico Madrid ku jirin tartanka waxa kaliya ka qayb galay tartanka 3 kooxood oo spain ah oo ciyaari doona wareega 16-ka.

Wareegan ayaa ah mesha ay ka bilaabanto xalada iyo waliba in la daawado kulamo xasaasi ah oo xiiso leh kuwaas oo ay ciyaaraan kooxaha ugu waaweyn yurub.

Wargayska Marca ayaa sameeyay qiimaynta ay kooxaha reer Spain ee Sevilla,Barcelona iyo Real ugu dhici karaan kooxaha kale ee tartanka ka qayb galaya.

Barceona ayaa ku dhamaysatay kalainta 1-aad halka Los Blancos iyo Sevilla ay ku dhamaysteen kaalinta 2-aad ee Group-yadooda.

Kooxaha kaalmaha hore ku soo baxa ayaa ku dhici doona kaliya kooxaha kaalmaha 2-aad ku soo baxa xilli ayna laba kooxood oo isku dal ah isku dhici karin.

Qiimayntii ay Marca samaysay ayay 40% kooxda chelsea ku dhacday Barcelona halka kooxaha Sevilla iyo Real Madrid ay 19% midkood ku dhici doonaan Roma.

Dhanka kale kooxaha reer Manchester ayaa 18% ku dhici kara kooxda difaacanaysa champions league ee Real Madrid.

Comments

comments

Leave a Reply