Bromwich Albion Vs Arsenal : Arsenal Oo Baadi Goobeysa Guulo Micno U Yeeleysa Xaalkooda.

West Bromwich Albion ayaa marti gilineysa kooxda Arsenal oo ay wada ciyaarayaan kullan ka tirsan wareegga 21-aad ee horyaalka Ingiriiska

Arsenal ayaa baadi goobeysa in ay badiyaan kulankaan si ay kor ugu soo kacaan una loolamaan boos u soo saaraya tartamada yurub halka kooxda martida loo yahay raadinayaan in ay guushoodii ugu horeysay horyaalka ah gaaran ka dib markii ay ku fashilmeen 18-kii kullan ee ugu dambeeyay

Xogta Kulanka

* West Bromwich Albion waa ay badiyeen labaddii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay Arsenal marti giliyeen

* West Bromwich Albion ma aysan badin 18-kii kullan ee ugu dambeeyay ee isku xiga horyaalka ee xilli ciyaareedkaan waxa ay bar bar dhac galeen 9 kullan halka 9 kalana laga badiyay

* Tababare Wenger ayuu kulankaan u yahay kiisii 811-aad ee horyaalka ee uu hogaaminayo Arsenal isaga oo ka sara maraya macalinki hore United ee Sir Alex

* Weeraryahanka Arsenal ee Sanchez waxa uu West Bromwich Albion ka dhaliyay sedex gool oo horyaalka ah afartii kullan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay kooxdaas.

* Arsenal waxa ay illaa haatan qaabileen 50 gool oo horyaalka ah sanadkaan dhamaaday ee 2017-ka , markii ugu darneyd waxa ay aheyd 1984-tii xilligaas oo ay qaabileen 57 gool

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply