Benzema Oo Sedex Todobaad Ka Maqnaanaya Garoomada, Kulamadee Ayuu Seegayaa?.

Real Madrid ayaa war xun la kulantay waxaana ka dhaawacmay Karim Benzema kaasi oo ka hor istaageysa in uu kooxda u safto kulamada ugu horeeya ee sanadka cusub ee 2018-ka

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in Benzema uu ka sheegtay dhaawac intii lagu jiray kulankii El Clasico xilligaas oo cagta middig laga helaalay welina uu dareemayo jugtaas.

Benzema ayaa baaritaano lagu sameeyay waxaa cadaatay in uu u baahan yahay nasiino laab ilaa sedex todobaad ah u u dhaxeeysa .

Tababarkii maanta ee Real ayuu ka maqnaa waxa ayna Real ka dib sheegeen in laacibka uu ka sheeganayo dhaawac waxa ayna Realx xaqiiyeen in uu yahay dhaawac muruqa ah

Haatan, waxa uu laacibkaas ka maqnanaya kulanka Celta Vigo ee 7 -d a bisha January halka uu ka seegayo sidoo kale kulanka Cope Del Rey ee ay afar cesho ka dib kulankaas horyaalka la ciyaarayana kooxda Numancia

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply