Bayern Munich Vs PSG : Kooxda Reer France Oo Dooneysa In Hal Dhagax Ku Dillaan Laba Shimbir Xilli Munich-na Ay Raadinayaan Aar Gudasho .

PSG ayaa caawa marti u ah kooxda Bayern Munich oo ay wada ciyaarayaan kullan ka tirsan wareegga 6-aad ee ugu dambeeya marxladda Group-yada Champion-ka ee Group-ka labaad .

PSG waxa ay haminayaan in hal dhagax ku dillaan laba shimbir waxa ayna doonayaan in ay badiyaan oo ay ku soo baxaan booska 1-aad ee Group-ka labaad iyo in ay gaaraan guushoodii 6-aad ee isku xigta ee Group-kooda halka Munich baadi goobaayaan in ay ka aar gutaan PSG oo lugtii hore uga soo badisay sedex gool oo nadiif ah .

Xogta Kulanka

* Munich waxa ay ku qasban yihiin in ay ku badiyaan caawa 4/0 si ay Group-ka labaad u hogaamiyaan maadaama lugtii hore looga soo badiyay sedex gool oo nadiif ah .

* PSG waa ay badiyeen sedex kullan oo qeyb ka ah afartii kullan ee ugu dambeeyay ee ay Bayern Munich uga hor tageen Champion-ka waxa ayna dhamaan ahaayen wareegga Group-yada , kaliya hal jeer ayay ku hor kufeen waxa ayna aheyd October sanadkii 2000 xilligaas oo lagu garaacay laba gool oo nadiif ah .

* Kulankii ugu dambeeyay ee labadaan koox ku dhex mara garoonka Munich iyadoo Champion-ka la joogo waxa ay aheyd xill ciyaareedkii 2000/2001-dii waxaana la joogay wareegga Group-yada iyadoo waqtigaas PSG lagu garaacay laba gool oo nadiif ah waxaana la joogay marxalladda Group-yada

* Sedexdii kullan ee ugu dambeeyay ee PSG u safreenn Jarmalka iyadoo Champion-ka la joogo ma aysan guul dareysan waxa ayna badiyeen laba jeer halka hal kullanna ay galeen bar bar dhac iyadoo guushii ugu dambeeysay ay ka soo gaareen Bayern leverkusen xiligaas oo ay afar gool ku soo garaacaan .

* Munich ma aysan badin afartii kullan ee ugu dambeeyay ee ay kooxo France ka socda ku marti giliyaan tartamada yurub ,laba guul darro iyo laba bar bar dhac ayay ka wataan.

* Muncih waa ay badiyeen 11 kii kulan ee ugu damabeeyay Champion-ka ee ay ku ciyaareen garoonkooda iyadoo la joogo wareegga Group-yada tan iyo guul daraddii Man City ee xilli ciyaareedkii 2013/2014-ka

* PSG waxa caawa noqon karaan kooxdii 7-aad ee badisa 6 kullan isku xiga oo marxaladda Group-yada horay-na sidaas waa ay u sameeyeen xili ciyaareedkii 1994/1995-tii kaliya Real ayaa laba jeer sameeysay ka hor PSG.

Comments

comments

Leave a Reply