Barcelona Vs Celta Vigo : Kooxda Martida Sedexdii Xilli Ciyaareed Ee Ugu Dambeeyay Min Hal Kullan Ayay Garaacayeen Barca

Dadka xiiseysa kubadda cagta Spain ayaa isha ku haya kulanka caawa Barcelona ku marti gilianayaan kooxda Celta Vigo oo ku jirta booska 7-aad ee horyaalka Spain, waxa uuna kulankaas ka tirsan yahay wareegga 14-aad ee La Ligaha

Barca waxa ay doonayaan sedex dhibic si horyaalka u sii hayaan wadada guushana ugu soo laabtaan ka dib markii wareeggii hore ay bar bar dhac la so galeen Valencia halka Celta Vigo doonayaan in ay ka aar gutaan 5-tii gool ee xilli ciyaareedkii hore lagu garaacay

Xogta Kulanka

* Celta Vigo waa kooxda kaliya ee ugu yaraan Barcelona sedexdii xilli ciyaareed ee ugu damabeeyay ka badineysay hal jeer , waxa ay ka haystaan sedex guul iyo sedex guul darro

* Barca lagama badin illaa haatan ka dib 13-ka kullan ee horyaalka ka ciyaareen waxa ay wataan 11 guul iyo laba bar bar dhac waana biloow wacan iyadoo markii ugu wacnaayeen ay aheyd xilli ciyaareedkii 2009/2010-kii xilligaas oo aan laga badin 21 kullan

* Weeraryahanka Celta Vigo ee Aspas waxa uu Barcelona ka dhaliyay sedex gool sedexdkii kullan ee ugu dambeeyay ee uu Barca kaga hortagay horyaalka balse dhamaan goolashaas garoonka kooxdiisa ayuu ku soo dhaliyay

* Messi sedex gool ayuu ka dhaliyay labadii kullan ee ugu dambeeyay ee uu Celta Figo ku qaabilay Camp Nou

Comments

comments

Leave a Reply