Barcelona Oo Laga Yaabo In Wareegga 16-ka Champion-ka Qoorta U Galaan Midkood Laba Ka Mid Ah Murqo Weynta Yurub

Barcelona ayaa xalay guul ku soo afjartay kulankoodii ugu dambeeyay ee marxaladda Group-yada waxa ayna ku soo baxeen booska 1-aad ee Group-ka 4-aad .

Barcelona 14 dhibic ayay Group-kooda ku hogaamiyeen halka Juventus oo labaad gashay ay heleen 11 dhibic

Haatan , wargeyska AS ayaa soo daabacday in Barcelona dareensan yihiinin in sedex koox oo adag midkood ay ku aadayaan wareegga 16-ka Champion-ka .

Waxa uu wargeyskaas sheegayaa in Barcelona laga yaabo in ku aadaan midkood Bayern Munich iyo Chelsea ka dib markii labadaas koox ay ku dhameysateen booska labaad ee Group-yadooda

Sidoo kale waxaa laga yaabaa in Barca ku aadaan kooxda reer Swiss ee Basel kuwaasi oo booska labaad ka galay Group-kooda kana hooseeya United

Intaas kuma joogsan sheekada sidoo kale midkood FC Porto, Shakhtar ,Napoli iyo Leipzig ayay ku aadi karaan kuwaasi oo caawa ciyaaraya

Comments

comments

Leave a Reply